August 30, 2014, 1:15 pm

  FRANCAIS | ENGLISH | SOMALI

  Home    

 
 
Maanso uu kaga hadlayo Ramadaanta, Mudane Issa Kamil oo jooga Magaalada Boston, MA
 
BOSTON: Jeudi, 19 juillet 2012  (DjibTalk)  — Ummada Islaamka ah waxaan leehay ramadaan kariim, meelkaste ooy ka joogto dunida daafaheeda. Anoo ka faa’idaysanaya munaasibaddan iyada ah, aaddooyin iyo walaallayaal, waxaan halkan niiga soo tabinayaa maanso yar oo gaaban. Intaan se bilaabin, bal wax yar han ka iftiinsho duruuftii iyo waxyaabihii sababay curinteeda.
Waa wax qadarmay oo xaga sare ka dhacaye, ninka odayga ah ee maansada tirinaya waxa uu lahaa kalyo-xanuun. Jamhuuriyaddii oon xaalkeeda wada ognahay, kolkii laba (2) qalitaan iyo in ka badan loogu sameeyay, wax ba se ay ka suurtoobi waayeen, nafi orodbay kugu aamintaaye,  wuxuu is yidhi bal sidan si dhaanta hala raadiyo. Samir iyo dadaal badan ka dib waxaa u suuro gashay inuu helo USA VISA. Xamaantuu urursaday, dagta wuxuu soosaartay Passport wayn oo HASSAN GOULED ka hadhay; mase ogsoonyahay dhulka uu ku socdo inuu yahay dhul rag iska adkaystay, mise wuxuu u haystaa:
 
Waa meel ilbaab iyo lahayn oode gacameede
Waa meel ardageedu yahay alawdi badhaade
 
Ali Farlaw oo SMI-ga ka shaqayn jiray isagoo Djibouti ka warramaya siday cidba u lahayn 1979kii xasuuso maantana.
 
Airportkii ugu horreeyey ee uu cagaha soo dhigayba, afar (4) katiinadood baa lagu jabiyay. Mayaqaan wax loo haysto. Baadhitaan socday 15 sacadood ka dib jeel buu waagu ugu baryay. Halkii isagoo iska kanbadhuudha laba (2) bilood, wuxuu ogaaday inay barri oo kale ramadaan tahay. Habeennimadii ayuu tiriyay maansadan ka hadlaysa sidii dhulkeenna ramadaanka looga yaqaanay iyo sida maanta u muuqata. Maansadan u badan ducadiyo Allabariga  akhris habboon:
 
Bilyahay khayr goonida u noqotee
Guuluhu ku galaday wanaag badanee
Samaan uga yeelay gaarkeedee
Shaydaankii gooni lo xidhayee
Illaa iyo gobihii badarna
Gaalada la yareeyey taageedee
Islaamkuna guulo uu helay
 
Gargaar wadatooy adaan gudhinoo
Aday hoodo kuu yihiin gaaroo
Nimuu Giriyaad kulayl ku diliyo
Qabawga Waqooyi kii galiba
Cidbayna gafayn haraadkaagiyo
Hadana guushaada Aakhiro
 
Qur’aankaa goonni kuu xusayoo
Guullaa noo sheegay waxad tahayoo
Garwaaqsannayoo ma garabmarin
 
Gulaamo nimca ah adaa sida
Adu gashi kugu hagooganyahoo
Ada giddigaaba wada hodanoo
Rasuulka gacalo kuu qabayoo
Si uu gulufkii hoggaaminayuu
Xamsana gees weerar leeyahayuu
Gammaankiina Cali iskaga dhiibuu
Intuu soo wada guraan guro
Guntiga soo gaabin jiray layahoo
Asxaabtuna way garwaaqsan jireen
Inaad adu soo galaysaayee
Ninkii kaa gaabshay baa hoogee
Inuu Samhariira galayaana
Anaa og i gooni loo yidhiyoy
Gurada uga taalo aamiin
 
Intaa gacal iyo amaantii
Guudmarka in laguu ogsoonaa
Geeraarkiyo qurux ku haydalan
 
Hadday biro igu gadaamaan iyo
Hadday igu goodiyaan maydkiyo
Hadday godka aakhiraad tagi
Idayl ba ay talo ku gooyaan
Samirka gashaanka ii mudanoo
Guulguulkiyo weedhahaa badan
Ma daneeyo gujiyo hantaaturo
Guhaadiyo hugufku ima ruxo
Gobay ha cabsoonin igu deeq
 
Gardaroy waa adiyo xooggaa
Garey adna eexo waa maya
 
Sheekada iyo gogol-dhigeedii
Gadayntiyo xoorinteedii
Ninkaa guuray guuray baan ahay
Ninkaa badda guuxi guudmarayee
Galbeed u hayaamay baan ahay
 
Meel aan lagu maaalin geel dhalayoo
Ka muuqanin goray haldhaagiyo
Galool fodhyayi maya yahayoo
Golxaalay kaaga yeedhaynin
Ninkaa gardarooday baan ahay
Dadkiisii ka goostay baan ahay
Haddana dantu gaysay baan ahay
Shisheeyaha goobta ugu dheer
 
Gu’gii qaaraddii madoobayd
La qaybsaday een ogsoonayn
Sidii guunyada la soofsado
Dadkeenii xeebta laga guray
Dadkii garbaduubka loo xidhayee
Hablaha goonni loo silsiladayee
Intii raaxada an gali karinna
Yaxaaska badwayta loogu guriyo
Gabraarato meesha ay la tagtiyo
Halkuu dhiiggood ku gobo’ yidhi
Ninkaa gadgadoonka waayuhu
Gaadiidka u saaray baan ahay
 
Waydiintiyo caawa gocashada
Anoo gaajada la soo godanoo
Gadhkiyo lawyadu is gaadheen
Goobyaalka la laba lagdoomaayoon
Arlada goobtaan ka joogaana
Hadaan garashada aqooneediyo
Intii cilmigu i gargaarayn
Marna an garteen xaggay tahay
Goobtii Xaramkee udgoonaydiyo
Halkii lagu aasay gabigood
Rasuulkii goonnida ahaa iyo [scw]
Raggii garabkiisa taagnaa
 
Ma sidan baad iigu soo galiyoo
Miyaan gaaladan la jaal ahayoo
Miyaan godkan dheer ku noolahayoo
Miyay waxaan talo gorfaynaana
Guulaanta dushayda ay tahayoo
Iskaddaa diintayda aan gocaniyo
Adiga galinkaaga ii yimide
Nimaan magacaaga garanayn
Miyaan hakan goonni kula ahay
Kolkuu galabtii i haybsado
Miyaan gacamaha u taagaa
Ilalyn nin ba goonnidii hadalyoo
Afkaayagii baa is garabmarayee
 
Ma sidan baad iigu soo galiyoo
Naftaydu i galalafaysaayo
Waliba guluf weerar igu tahayoy
Ilkaha ku gamsii i leedahay
Hilbaha garabkaaga yaalyaal
Anoon garanayn wuxuu yahay
Inuu doofaar ka soo go’ay iyo
Inuu geeleenni qaar yahay iyo
Inuu dibigeenni giirraayee
Geesaha ruxi jiray ka soo jeediyo
Wankeenni gorad la odhan jiray!
 
Ma sidan baad iigu soo galiyoo
Miyaan gurxankii wadaaddada iyo
Hablihii geenyooyinka ahaa iyo
Darfoolay soo goglaydii iyo
Cuntadii ay soo gingimayeeniyo
Gorofkii loo wada dhannaan jirayiyo
Ducadii lagu gooniyayn jirayiyo
Udayggii geed hibaaqiiba
Miyaan gabigood ka dheerahay
Ma sidanaad iigu soo gali?
 
In lagu galbiyaan aqoon jirayoo
Culimo guddidaan aqoon jirayoo
Dad uu Ramadaan u soo galayoo
Is gacan qaadaan aqoon jirayoo
Gacaltooyo runaan aqoon jirayoo
Walaal guusha samaha ila jeceloo
I goobaabshaan aqoon jirayoo
Cadhada gooyaan aqoon jirayo
Inaynan dareemin gaajada iyo
Ayaamaha Ciidda gaarka ahee
Middii geeridu ninkeed la tagtiyo
Wayeelkii taaggu uu gabay iyo
Agoonta gartaan aqoon jiray
Gacmaha ku qabtaan aqoon jirayoo
Guto kaca baan aqoon jirayoo
Galoo tukadaan aqoon jirayoo
Gargaarka baxshaan aqoon jirayoo
Eegmada gaabshaan aqoon jirayoo
Afkiinna guntaan aqoon jirayoo
Habeenkii gudaan aqoon jirayoo
Halkay culimadu ka guuxaysiyo
Masaajid galaan aqoon jirayee
Ma sidanaad iigu soo gali?
 
Inkastoy hawshiyo guhaaddani
Idayl igu goonni ay tahay
Haddana waan ku soo galbinayaayoo
Habeenkii baan gordaayaayoo
Digrigaan gaar kaaga dhigayaayoo
Ha garteen nimankii i gaasiray
Inay gaajo iga kaa celinoon
Harraad iga kaa gabaabsiyinoo
Gidaar iga kaa daboolaynoo
God dheer an ku kala qarsoomaynoo
Guhaad iga kaa hantaaturin
Illa carabkaygu uu gabo
Magaca goonni yeela Eebbaha
Godkii Aakhirana lay dhigo
 
Rabbiyow guul iiga kaa yeel
Rabbiyow Adigaa gallada badane
Gargaarkaaga igu sooryeeyoo
Ninkii magantaada soo gala
Cid kali ay guhaad hantaaturine
Galshada nimcadaada igu deeq
Gawaan nabadaysan ii bixi
 
Adaa Yoonis gaws ka soo saaroo
Ada Yuusuf garashada ku hadoo
Adaa Ciise meesha sare geeyoo
Ibraahim dabkii kolkuu galayna
Janiyo uga yeelay goob nabadoo
Adaa Muusana habeen guurshoo
Nimaan garanaynin oo yidhi
Aniga guullaw i wada dhaha
Isagaa galab waano ugu tagay
Adaa nabi Muxammad guuleeyo
Adaa badar gacanta wayn siiyoo
Guyaallo dhul loo socdaalaana
Adaa gaalada cabsii ku yidhoo
 
Rabbiyow gacmahayga kuu taagee
Waxaan gocan waad ogsoon tahaye
Rabbiyow gabangoobi hay dhigin
 
Rabbow waan gaabshay oo ogiyoo
Ma gudan waajibkii i saarraa e
Ma gaadhin halkii habboonayd
Anaa dawgaagi garabmaray
Moodada anigiyo garaadkay
Waxaa garbaduubka ii xidhay
Gafkii an sameeyay weeyaan
Rabbiyow daymadaada gaarka ah
Rabbiyow caawa yey i garabmarin
Rabbiyow goonni iigu tooggee
 
Waaniga gagaddoomi ee liitee
Goobtaa adag kaaga yeedhaayee
Rabbiyow gacantaada ii fidiyoo
Rabbiyow camalkayga gaarka ah
Rabbiyow haygu siin wuxuu gudo
 
Adaa garab iyo itaal ba lahoo
Ninkaad gaashaan u noqotaana
Aday cidba guulin waligiiyee
Rabbiyow magantaada ii garo
 
Aday galladaadu madhanaynine
Goortiyo maalintii an joognaa iyo
Gugiyo sabankii danbeeyaaba
Gargaar naxariis leh nagu deeq
 
Rabbiyow guri igu madoobaadiyo
Inaan gaaridayda waayaa iyo
Inaan gago kali u hooydaa iyo
Anoo wali aabbo gaban odhanoo
Gallado iyo Wiilo daaddihin
Ogiyoo geeridu xalaal weeyee
Rabbiyow gablan hayga wehel dhigin
 
Inaan gabaw soo qaloocsamayiyo
Anoy gacantaydu hoosaysaa
Inaan gaajo u baryootamana
Adaan taana kaa gargaarsaday
 
Inuu guluf igu lihiinsada uu
Intaydii galab la hoodayo
Aan ciilka la gooniyoobaana
Adaan taana kaa gargaarsaday
 
Anoo gadhka soo cilaansadayoo
Cirradu guudka ay i raamaysoo
Ayeeyo garbada ka soo baydh
Kolkay gabdhuhu i yidhaahdaan
Ahayd inaan sama garwaaqsado
Gadaha uu Eebbe igu simay
Inaan gabagabo habeennaad iyo
Sini iyo gaagaabsigeedii iyo
Xumaanta u guura baalleeya
Adaan taana kaa gargaarsaday
 
Intaa duca gaarahoo furaniyo
Gardaadiska maanso hawlayd
Gunaanadka sheekadaydii
Mar kale gabagabiyo aamiin
Rajada ma an goynin waligay
Kolay godkan waan ka baxayaayoo
Guullaan mahadiisa naqayaayo
Geediga mar kalaan raraayaayoo
Meeluhuu geelu noogu dhali jirayiyo
Hawaas baan galab maraayaayoo
Halkii haadku uu ku gabax yidhiyee
Lafaha raggu gibilka yeesheeniyo
Haadamaan gaadhi doonaayoo
Qabrigii Guray[1] baan dul joogsaniyoo
Guyaal tagay baa hortay imannoo
Markaasaan goroda ruxayaayoo
Gaydhaan dabnahayga cunayaayoo
Halkaasaan garanni doonaa
Xilkii gobannimo waxuu yahay
 
Dadkayga Allow is garansii
Eebbow gacaliyo dulqaad sii
Eebbow gogol nabada deeqsii
Eebbow gobannimo ku maammuustaye
Eebbow garansii intii dhiman
Wakaa Ramadaan i soo galayee
Gar baan u lahaaday tuuggaagee
Guullow hana hoojin maalmaha
Siraha Gaarkaa ku shaaximan
 
- - - - - - -
Issa Kamil
Boston, MA
 
 
 
Comments
 
Name
Email
Comments
Security Code  
 
BACK
 

Copyright 2010 DjibTalk.com - All Right Reserved.

Website Developed By : WebStudio.ca