September 1, 2014, 8:49 pm

  FRANCAIS | ENGLISH | SOMALI

  Home       RTD en direct      Contact Us      Music      Caricature à Djibouti      DACS      Link   

 

 
 
ETHIOPIA: socdaalkii gadhmalu(g​arbo-ciise​

DIRE-DAWA: (DjibTalk) ARBACA JUNE 08 2011 — Gadhmalu waxaan u soo martinay goor habeen ah oo ay saacadu tahay 12h30 habeenimo dadkuna wada hurdaan roobna da,ayo nasiib wanaag markiiba waxaan aragnay meel ay ku qoraan tahay Hotel waan galnay waxaa joogay wiil dhalin yaro ah oo af amxaar nagula hadlay wuxuu noo sheegay in u hayoo meel la jiifsan karo oo laba ila sadex qol ka goobna waan ku kala baahnay aanu waxaan si gaar ah u helay qol ii gaar daalkii safarka awgii markiiba waxaan guda galay hurdo raaxo oo marnaba ma soo laamadoobin marka laga reebo hal ama laba jeer oo aan ku soo sassay onkodka roobka iyo cida waraabaha ka tuugsan qashin qubka magaalada ,subuxii dambee marku waagu baryay anigaa waxaa ii darnayd in aan gadhmalu soo nabad bariidiyo laakiin waa la iga diiday oo waxaan ka bilownay bal hortaa in aan helnoo meel laga qureecan karo reer gadhmalu waa dad firfircoon taas waxaad ka garan kartaa magaaladu haba iska yaraatee waxaa ku yaal maqaaxiyo iyo tuugaano yar yar oo qureec iyo qado iyo cashaba laga heli karo markiiba waxaan ku degnay maqaaxi yar oo ay qof dumar ah maamusho qureeca laga cuno wakhtigan waxaa ugu muhiimsan loxoox,moofo iyo canjeero,cabitaanku waa bun(cafe) iyo shaah,waliba waxaad ka heli karta fanta,coca cola qoboow iyo kulaylba waxaa jalo jiraa biyo( mineral water ah) oo qaboow iyo kulaylba leh qofta dumarka ah ee meesha maamusha waxay noo sheegtay in ay dhawaan soo degtay oo ay ka soo guurtay xaga iyo wadanka Djibouti aad iyo aadna ugu faraxsan tahay noolosha gadhmalu uga bilaabantay.

 
 
Markan qureecday ka dib waxaan bilaabay soo indha-indhaynta magaalada kor iyo hoosba, gadhmalu magaceega iyo muuqeegu kala wayn waa tuulo yar oo aan ku qiyaasay dheerer ahaan baaxada dhulka ay ku taal ila 3km baladhna 500m waxay ku teedsan tahay labada dhinic ee jidka laamiga ah waxaan u baxay geesta wayooyi ee magaalada waxaa ii muuqday caruur ku dabaalan biyihii roobka geesta bariga waxaan ku arkay xoolo geel iyo lo, u badnaa oo soctay dadku waxay ii sheegeen in ay soo mareen jiilaldaba dheeraaday oo dadkii reer guuraga ahaa ay meelahan ka guureen roobkuna hadan uun curtay oo u yahay maalinti sadexaad ee is dab joog ah roobku u da,aayo gadhmalu waxay ku taal meel ban ah dadka xoola dhaqadadu degaanka ay ku taal waxay odhan jireen GURBULI waa meel aan lahayn dhir iyo geeda waawayn midna guryaha dadku dhistan waxay ka samaysan yihiin sandaqado yar yar oo dhoobo iyo qoryo iskugu jira waxaa kalo  jira aqala dhagaxaan ka dhisan  oo fara ku tiris ah dadweynaha reer gadhmalu ma jirto cid soo tiro koobtay laakiin kama badna dhowr kun oo qof, maamul dawli ah oo gadhmalu ka jira ma arag marka la reebo dhisme aqal la igu yidhi waxaa degan duqa magaalada noolosha ka jirta gadhmalu waa mid ay dadku samaysteen ee maaha mid ay dawlad iyo cid kale toona ugu abaal ceshaan Gadhmalu kama jirto wax adeeg busho ah sidaa skuul dhakhtar iyo police abniga suga midna iyadu ay sidaa tahay hadana amaanga guud ee  gadhmalu wuxuu ila eega mid la isku halayn karo, magaca gadhmalu wuxuu hortaba soo shaac baxay sanadihii 1985-1986kii markii dawladi MINGISTO HAYLE MARYAM ay cadaadis xoogle saartay ganacsigii reer shiniile caanka ku ahaayeen ee LAWAASHKA  la odhan jiray kaas oo ahaa dharka HUDHAYDHKA oo intoo awr lagaga soo raro magaalada Dikhil ee dalka Djibouti si CONTRE BANK ah loo soo galin jiray magaalada BIKI ganacsiga marku sidaa xidhmay dadkii reer bikiyeed waxay heleen dariq cusub oo lagu sii ganacsan karo, waxayna soo degeen meeshan gadhmalu oo ay si  qarsoodi ah ugu iibsan kareen lawaashgooga oo intay awr ku keenaan meel jidka u dhoow ka dibna garbaha ayay ku soo qaadan jireen magaca GARBA-CIISANA sidaa ayay ugu baxsheen laakiin GADHMALU waxay ka timid luqada canfarta oo ah GATMAYTO barigaa 1986kii markay canfartu aragtay in gadhmalu ciise tuulo ka dhisteen waxay bilaabeen colaad cusub waxayna soo qaadeen guluf iyo degaal horle oo u hogaamiye ka ahaa nin la odhan jiray INA KAYRA Ali oo u dhashay qolada canfarta ee lagu magacaabo CASA HEEMARA waa beel canfarta ka mid laakiin weeraradi waxba kama badalin in u ciise tuuleeyo gadhmalu, canfartiina waxay bilaabeen waji cusub oo sir iyo sun iskugu lifaaqan sanadkaa 1986kii ina kayra Ali wuxuu ku dhawaaqay in u qaban qaabiyo shir nabadeed dhex mara canfar iyo ciise oo lagu qaban doonu meel u dhow magaalada BACADU GAWAANI  ciise wuxuu diray ergo ka koobna odey dhaqmeed yaal oo u ugu magac wayna odey marxuun Ali Boox Casoowe ergadi siday u dhamayd hal qof kama soo noqon ee goobtii lagu marti qaaday ayay ku wada dhinteen ka dib markii cuntoo sumaysan loo qarshay sidana lagu khiyaamay arrintina wali way taagan tahay oo xal waara lagama gaadhin canfar iyo ciise Ethiopiana diyaar uma ahaa in ay muruq iyo maal ku bixisoo muslimiin isku mashquulay.
 Hadabaa waxaa is weydin mudan muhiimada ay gadhmalu canfarta u leedahay ee ay uga maarni la,yihiin?siddan horay u sheegnay tuuladu waxay ku taal meel hal bowle u ah maamulka ama kililka canfarta maxaa yeelay waxay dhacdaa meel kala badha magaalooyinka qadiimiga ah ee AWASH iyo BACADU waxaa kalo xusid mudan oo in xisaabta lagu darsadana ah magaalada madaxda kililka canfarta ee SAMARA iyo BACADU iyaganaa waxaa kala badha CADAYTO iyo CUNDHUFA oo sidaan soo sheegnaybaa degaan soomaaliyeed ah hadaba marka sawirka maamulka canfarta la eego waxaa ku soo baxayaa maamul u maamul kali beerka iyo caloosha ugu jiro ama hadaan si kale u dhignoo qoraalkan waxaan xasuustaa maamulka reer FALASTIN iyo kan YAHUUDA iyo siday ku dhici karto dawlad reer falastin leeyihiin canfartanaa waxaa sidaa dhararta ugu cad in gadhmalu cadayto iyo cundhufa oo u ciise degan yahay  dhul ay xukumaan sheegayn karayn sidaa darteedna way ka go,aan tahay goor dhow ama dheer intay doontaa ha ku qaadatee sadaxedaa magaalo in maalin uun lagu soo biirin doonu kililka canfarta ciisana ka guuri doono siyaasataa nuuca ah qaar ka mid ah way ku caanoo maaleen ka dib markii sidaan soo sheegnabaa ay qalacle oo gadhmalu kulaasha ay tuulo yar ka dhigteen dhanka koonfurta gadhmaluna way ka soo durgeen oo meel u jirta 50 km waxaa laga dhisay magaalo yar BARTON la yidha si ay gadhmalu xero dhan walba ka oodan uga dhigaan waxaasoo tab iyo xeelad ah waxaa daba ka riixi maamulka canfarta halka maamulki u dhigmaayay ee soomaalida ay magaalooyinka Jigjiga iyo Diredhaba qaad iyo qabyaalad la jilba laaban yihiin  , geesta kale waxay isku dayeen in ay xoog ku muquunshaan dadka degaanka oo dagaalo lagu hoobtay oo meelaha ka dhacay sanadihii la soo dhaafay dhig iyo qasaare mooyee waxba uguma suurtagalin hamiga isaga ah,dhanka dawlada fedaaralka wax raja ah kama qabaan canfartu waayoo dawladu siday dhulka ugu timid sanadkii 1991kii in laga badalo iyo in dadkii deganaa dad kale looga raro meel  ay adunka kaga qoran tahay ma jirto waxayna labada garab ugu baaqday in degmada gadhmalu laga qaado afti taasna canfarta wax dan ahi uguma jirto sababto ah dee dadka degaanku waa wada ciise 100% marka iyaa aftii laga qaadi?waa suaal da,weynoo madaxa daalinaysee!
 
Degmada gadhmalu kuma koobna oo qudha gadhmalu,cundhufu iyo cadayto ee waxaa kalo jira boqolaal tuulooyin kale oo jidku marin wabiga awashna ku oolin laakiin ka dirsan gadhmalu oo ay ka mid yihiin AFCASE,SIKILI,Ali-JIIR,HINI , LAAG UGAAS,WILATI, DAHAWI iyo qaar kalo badan dhulka dadka ama dadweynaha degan waxaa lagu qiyaasay in ay kor dhafayaan tiradoodu ila 80.000 oo qof wayna ka badnaan karaan  waxna way ka yaraan karaan siday doontabaa hahaatee dadkaasi waxay degan yihiin oo illaahay ku beerray meel qiimo weyn ugu fadhida dal weynaha Ethiopia la,aantoodna dawlada Ethiopia nabad iyo naruuro kuma nalooteen waxaana la odhan karaa Ethiopia waa 80malyan  oo 80.000 oo qof ay luqunta u fadhido hadday gadoodaan oo ay jidka qudha ee Ethiopia laga quudiyo maalin galinkeeda hora kala xidhan laga yaaba in ay Ethiopia siddii warqad qoyday u dunto si taas looga hor tago Ethiopia waxaa la gudboon in ay dadkan u aragto wadaniyiin xaq iyo xaquuq u leh in ay halan sida dayoowga kale reer Ethiopia wixii dawlad lagu yiqiin sidaa daryeel caafimaad,taakulayn iyo horumar nuucu doonoo hahaato  oo ay ka joojiso cadaalad darada gaamurtay ee 150 sanu jirsatay, siday ku dhici karta dalka Ethiopia ee ku faana in u yahay regional powerka geeska afrika qayb ka mid ah oo aan ka yarayn 200km ila 250 km oo dhul ah oo aan lahayn hal dugsi wax barasho,hal dhakhtar oo ay dadku u nool yihiin sidii qarnigii nabi Aadam calay salaam waa wax laga xishoodu runti,  intaas waxa dheer dawlada is maamulka soomaalida ee magaalada Jigjiga iyo kan Diredhaba ee fedaraalka lagu sheego intuba way ka dheregsan yihiin tagorka 20 jirsaday ee lagu hayo reer gadhmalu wayna og yihiin laakiin siyaasadoodu waa arka garab mar dan iyo maraad toona kama lahaa halka qayrkood oo maamulka canfarta ah oo wata baabuur gaashaman ay weerar ku soo qaadan dad reer guura ah una dhashay reer shiniile masuulna ay ka yihiin oo ay mansab iyo minsharba ku qaadan magacooga.
 Gunti iyo soo gunaankii reer gadhmalu ceelna uma qodna cidna uma maqna.
  waxaan ugu baaqayna dawlada Ethiopia,tan kililka5aad soomaalida, is maamulka magaalada Diredhaba,cuqaasha iyo aqoonyahanka reer shiniile,gudiga gandaha iyo ugaaska beesha ciise,qurba jooga reer shiniile oo aan ku jiro,cidkasta oo danayn arrinta gadhmalu,dadweynaha reer Djibouti oo aan ogaahay in badankood ku abtirsadaan shiniile fursadna  maanta u haystaan waxna way ku tari karo gadhmalu min fadlag sharaf nooma ahaa in dadka tiro iyo tayo intaa leeg 20 sano iyo dheeraad lagu iloobo meel cidla ah sabab la,aan waana gaf sidaa awgeed waxaan rajayn in qormad ay rag igaa cilmi iyo aqoon badan oo dhulka laga hadlaayo iga badiyaa soo jiidan doonto ka dibna intaan yar een ka soo qoray ku dhiiri galisoo in ay soo booqdan oo ay indhohooga ku soo arkan siday wax uga jiraan cabashada iyo cadaalad xumada taal degmada gadhmalu.
 
Waa bilaahi tawfiiq.
 
Bilal-Hadi
 
 
 
BACK
 

DIRE-DHABE: Beesha Ciise wayne uuma Baahno wiil Yar oo salfudeeyd la dhaxsocda qadyada Saylac Lughaya State
HARGEYSA: Ciidamada Faransiiska ee Ilaalada Bada Case oo uu diigey Hubka sharci darada ah ee ka soo dagaaya...

Fanaanad Caan ka ah oo ka hadleysa Jaceyl Haleelay.
DJIBOUTI: Sabti 23 Mars 2013 (DjibTalk) — Fanaanad Caan ah misana kamid ah Fanaaniinta Dumarka kuwooda aadka loo xiiseeyo ayaa shaaca ka qaaday Jaceyl mudo kahor soo

Copyright 2010-2011 DjibTalk.com - All Right Reserved.

Website Developed By : WebStudio.ca