September 23, 2014, 9:19 am

  FRANCAIS | ENGLISH | SOMALI

  Home       RTD en direct      Contact Us      Music      Caricature à Djibouti      DACS      Link   

 

 
 
Deegaanada Meeta iyo Ciid cas oo laga beerayo wax yaabaha laga sameeyo (Bioful) ka iyo halista wayn ee kusoo socota bulshada gobolka Shiniile.

DJIBOUTI: (DjibTalk) Sabti 24/09/2011  —   War bixin kusaabsan heshiiskii deegaanka Meeta qayb ka kamid ah loogu ogolaaday shirkad Yuhuuda laga leeyahay oon helay ayaa waxa uu dhigaya in ay ka beeri doonto dhulkaa lasiiyay wax yaabaha laga sameeyo shidaalka loo yaqaano (Bioful) ka. Shirkadan Yuhuuda laga leeyahay ayaa magaceeda waxa la yidhaahdaa (Agropeace) waana shirkad soo saarta shidaalka qayta loo yaqaano Bioful ka oo isaga sameeyo wax yaabo ay kamid yihiin qamadida iyo xasiida iyo dhir kale.

Dhulkan lasiiyay shirkadan Yuhuuda ayaa waxa lagu qiyaasay in uu le’eeg yahay  2 ilaa 3 kun oo hektaar kuwaasoo kala ah  deegaanka Meeta iyo Ciid Cas dhulka loo yaqaano. War bixinada heshiiskani waxa ay sheegayaan in qiimaha dhulkan shirkadan laga siiyay in uu yahay $ 4000 oo dollar ka Maraykan ah oo kaliya.Heshiiskan shirkadan Yuhuuda lala galay ayaa waxa hormoodka ka ahaa dowlada federal ka iyo DDS iyo waliba maamulka deegaanka Shiniile.

Wax yaabaha dad badan u cuntami waayay ayaa ah qiimaha lasiiyay dhulkan midaan caqli gal ahayn oo macneheedu yahay in dhulkan sidii budhcadii looga ganacsaday.

Dhulkan oo isagu ah mid mid aad uugu wanaagsan xaga dhul beereedka oo camuudiisu ay tahay dihin ayaa marnaba aynan suura galayn in lasiisto qiimo hal maqsin maanta aanan lagagaaga iibinanayn.

Tani waxa ay daliil u tahay uun in dhulkan dadkii bixiyay ay yihiin budhcad boob cad na uu la badheedhay dhulkan iyo dadkii lahaa.
Hadaba wax yaabahan laga sameeyo shidaalka loo yaqaano Bioful ka oo halis aad iyo aad u wayn u leh deegaanka, dadka iyo duunyada ayaa hada ka hor waxa laga beeray dalal   Afrikaan ah oo ay kamid tahay Ghana.

Bioful ka oo isaga sida la sheegay laga sameeyo qamadida iyo xasiida ayaa dhulka laga beero waxa uu u gaystaa nabaad guur iyo halis aad u wayn oo ku timaada deegaanada tasoo sumaysa dhirta oo odhan khatar aad u wayn u leh xoolaha iyo dadka ku nool deegaanadan laga beerayo iyo kuwo u dhow ba.

Waxa khatar tan aadka u wayn ee kusoo fool leh gobolka Shiniile gaar ahaan deegaanadan Meeta iyo Ciid Cas aan iyaku ka war qabin bulshada gobolka Shiniile oo laga dhaadhiciyay in dhulkan laga hirgalinayo mashaariic horumarineed.

Inkastoo wax garadka iyo duqaytida gobolka Shiniile ay diideen kolkii hore in la bixiyo dhulkan ayaa waxa ku qasbay dowlada federal ka iyo DDS in shirkadan dhulka lasiiyo.

Wax yaabaha laga sameeyo shidaalka Bioful ka ayaa wadamada reer Yurup ay ka mamnuuceen in dhulkooda laga beero halista uu u leeyahay deegaanka iyo dadka daraadeed.

Halistan reer Yurup ay dhulkooda ka bad baadiyeen ayaa waxa ay usoo rarayn wadamada Afrikaan ka ah iyado oo looga faa’iidaysanyo baahida iyo faqriga ka jira balse reer Yurup aynan dan  ka lahayn halista uu xambaarsan yihiin iyo masiibada uu u keenayo dhulka Afrikaan ka ee laga beerayo.Dhulka wax yaabahan laga beero ayaa waxa ciida ku dhacaya nabaad guur iyada oo halis wayni ay kasoo gaadho sunta lagu beeray dhulkaa dadka iyo xoolaha waxana khatar wayn ay ku haysaa suntani inay gaadho dhirta ka jirta deegaanada u dhow.

Dowlada federal ka Ethiopia ayaa iyadu ka war qabta halista iyo masiibada ka dhalan doonta dhulkan laga beerayo wax yaabaha laga sameeyo shidaalka loo yaqaano Bioful ka laakiinse waxay u muuqataa mid aanan dan ka lahayn bulshada deegaanada Shiniile ku nool oo iyadu xoola dhaqato u badan.

Bulshadan ku nool deegaanadan laga beerayo wax yaabahan halista wayn xambaarsan ayaa waxa lagu qiyaasaa 80 ilaa 90 kun oo qof waxayna halis aad wayn ugu jiraan inay kasoo gaadho wax yeelo aad u wayn oo saamayn wayn ku yeelata caafimaadkood ,xoolahooda iyo nabaad guur aad u wayn oo ku dhaca deegaanadan.

Deegaanka Meeta iyo Ciid Cas ayaa ah iyaku deeganada kaliya ee marka abaartu dhacdo dadka reer miyiga ah ee ku nool gobolka Shiniile ay inta badan kaga bad baadaan abaarta taasoo meelo badan ay iskaga yimaadiin si ay xoolahoodu daaq uuga helaan.

Mashruucan deegaanadooda loola yimiday ee lagu qasbay in laga hirgalinayo ayaa ah mid cawaaqib xumadiisu ay sababi doonto in uu u keeno dabar go’ku dhaca bulshada xoola dhaqatada ah ee gobolka Shiniile.

Halista iyo masiibada mashruucani wato hadii la hirgaliyo ayaa ah mid aanan waligee laga soo kaban doonin iyada oo uu kamid yahay kani ciqaabta lagu hayo bulshada gobolka Shiniile.

Su’aalaha la is waydiinayo ayaa ah waxa dowlada Federal ka iyo tan DDS ay uuga hirgalin waayeen deegaanadan wax yaabo dan u ah oo ay kamid yihiin mashaariic dhul bereed ah oo looga faa’iidaynayo bulshada gobolka Shiniile ee abaaraha iyo darxumu dishootay,halka ay uugu soo hogaaminayaan shirkado rabo inay dhulkooda ku beeraan wax yaabo sun ah mustaq bal koodana khatar wayn ku haya dhamaan.

Wax yaabaha kale ee cajaa’ibka ah waxa weeye bulsho iyadu waxay cunta ba la’ macaluul iyo abaarina isku gu biirtay, in dhulkii looga beeri lahaa wax ay quutaan loola yimaado waxaan ka beeraynaa wax yaabo laga sameeyo shidaalka baaburta,taasi macneheedu waxa weeye in dadkani qiima ba ay uugu fadhiyin dowlada federalka iyo tan DDS midkoodna.

Si kasta ba ha ahaatee waxa aan ka war galinanaynaa dhamaan cidii lugta kula lahayd heshiiskan gaar ahaan dowlada federalka iyo DDS in ay gabi ahaan ba joojiyaan hadii rajo laga qabo bulshadan Soomaaliyeed mustaq balkeeda iyo wanaageeda oo ah xuquuqda aasaasiga ah ee ay leeyihiin.

Waxa kale oon baaq u diraynaa masuuliyiinta kasoo jeeda gobolka Shiniile heer federal iyo mid deegaan in ay go’aan cad iska taagaan sidii waxba kama jiraan looga dhigi lahaa heshiis kan halista aadka u wayn xambaarsan ee u muuqda mid lagu dabar goynayo bulshada gobolka Shiniile.

Waxa aan kula talinaynaa raga siyaasiyiinta sheeganaya ee kasoo jeeda gobolka Shiniile in ay aamuska ay ka baxaan dhagarta dadka ay matalaan lala damac san yahayna ay ka hadlaan inta ay goori goor tahay.

Hadii aynan kadli karin danaha bulshada ay matalaan oo iyadu ah tii loo igmaday waa inay u madax baneeyaan bulshadu si ay uuga tashato mustaq balkeeda iyo wixii dani uugu jirto

Waxa aan uugu dambayn fariin aan u diraynaa qurbo jooga gobolka Shiniile meel kastooy dunida ka joogaan in ay la xidhiidhaan wax garadka iyo duqaytida dalkii ku sugan si looga war galiyo halista mashruucani uu lee yahay iyo saamaynta xun ee uu ku yeelan doono bulshadan deegaanadan degan, sabab too ah iyaka oon heli karin wax yaabaha aan daabacno sababa la xidhiidha dowlada Ethiopia oo xayiraad saartay Diredawanews.Waxa sido kale qurba jooga laga codsanayaa sidii ay uuga war qabi lahaayeen dhibaatayoonka isa soo taraya ee ka taagan gobolka iyo sidii ay uuga gaysan lahaayeen horumar.

Waxa kale oon isku dayi doonaa inaan soo galino clip ka hadlaya khaytarta uu wato Bioful ku gaar ahaan mid kamid ah dalalkii masiibadu kasoo gaadhay ee hada ka hor laga beeray dhulkooda.

Wariye: Cabdi raxmaan

 
 
 
BACK
 

HARGEYSA: Ciidamada Faransiiska ee Ilaalada Bada Case oo uu diigey Hubka sharci darada ah ee ka soo dagaaya...

Fanaanad Caan ka ah oo ka hadleysa Jaceyl Haleelay.
DJIBOUTI: Sabti 23 Mars 2013 (DjibTalk) — Fanaanad Caan ah misana kamid ah Fanaaniinta Dumarka kuwooda aadka loo xiiseeyo ayaa shaaca ka qaaday Jaceyl mudo kahor soo
DIRE-DHABE: Beesha Ciise wayne uuma Baahno wiil Yar oo salfudeeyd la dhaxsocda qadyada Saylac Lughaya State

Copyright 2010-2011 DjibTalk.com - All Right Reserved.

Website Developed By : WebStudio.ca