Somaliland oo Dowladda Federaalka ku eedeysay ka meer meerida wadahadalo sii socda

madaxweyne-siilaanyo1SOMALIA: Salasa 30 September 2014 (DjibTalk) — Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo maanta ka hor hadlay xaflad qalin jebin ah oo ka dhacday Hargaysa ayuu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada-hadalka Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland iyo hadafka Somaliland ee midnimada Soomaaliya.

Siinlaanyo ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyey in ay ka war-wareegayso wada-hadalo sii socda oo u dhex mara labada dhinac oo dhowr jeer wada-hadal ku dhexmaray shirar lagu qabatay dalalka Britain iyo Turk, Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in Somaliland aysan diyaar u ahayn midow dhex mara labada dhinac isagoo xusay in dadka Somaliland Dowlad dhisteen 23 sano ka hor.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiekh ayuu ku eedeeyey in uu beesha caalamka ugu sheego in Somaliland ogolaatay doorasho ka dhacda guud ahaan dalka 2016 aysan jirin carqalad ka hor imaanaysa balse waxa uu Siilaanyo sheegay in aysan waxba ka jirin arrimaha beesha caalamka uu u bandhigay.

Maamulka Soomaaliland ayaa in ka badan 20 sano sheegayey in ay ka go’een dalka Soomaaliya iyagoo sheegay in ay beesha caalamka u raadsanayaan ictiraaf wakhti una ay helayaan, waxaana dhowr jeer dhacday in dowladdii KMG Soomaaliya iyo Tan hada Federaalka Soomaaliya ay wada hadal la galeen oo qodobo dhowr ah lagu heshiiyey. DjibTalk News International / Djibouti

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>